Su'aal: Dadka Maalinka Qiyaame ma Hooyooyinkood ayaa loogu abtirinayaa?
Been fakatay ayaa jirta (Been fakatay Run ma gaadho'e) oo odhanaysa; Dadka Maalinka Qiyaame waxa loogu abtirinayaa Hooyooyinkood, waxa taasna loo cuskaday axaadiis daciif ah oo aan Nabiga (ANKH) ka sugnaan, sida Axaadiista saxiixa ah ay ku tusinaysana; Dadka Aabbayaashood ayaa loogu abtirinayaa If iyo Aakhiraba
عَنْ ابْنِ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ( إِنَّ الْغَادِرَ يُرْفَعُ لَهُ لِوَاءٌ يَوْمَ الْقِيَامَةِ يُقَالُ هَذِهِ غَدْرَةُ فُلَانِ بْنِ فُلَانٍ )
Xadiiskaas oo Bukhaari iyo Muslimba ay wariyeen waxa uu tilmaamayaa: in Qofkii Ballan-furiyaha ahaa Calan loo taaggi doonno Maalinka Qiyaame, lana odhan doonno: Tani waa Ballan-furintii Hebel oo Ina Hebel ah, ma odhan Nabigu: Hebel oo Ina Heblaayo ah.
Qaar baa doonay in ay Qawlkaa daciifka ah u cuskadaan Aayadda uu Allaah (Sw) yidhi:
(يَوْمَ نَدْعُو كُلَّ أُنَاسٍ بِإِمَامِهِمْ ) الإسراء: 71.
waxa uu Samakhshari odhanayaa Isaga oo Hadalkaas burinaya kuna jeesjeesaya:
"ومن بدع التفاسير : أن الإمام جمع أم، وأن الناس يدعون يوم القيامة بأمهاتهم، وأن الحكمة في الدعاء بالأمهات دون الآباء: رعاية حق عيسى عليه السلام، وإظهار شرف الحسن والحسين، وأن لا يَفتضح أولاد الزنا !! وليت شعري أيهما أبدعُ: أصحّةُ لفظه، أم بهاءُ حكمته !!؟ " انتهى [ الكشاف 2/682] .